Laanta Socdaalka dalka Malaysia ayaa shaacisay in loo diiday in dalka ka baxaan Ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaasi Najib Razaq iyo Qoyskiisa kadib amar kasoo baxay dowlada cusub .
Najib Razaq ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay doonayaan in dalka dibadiisa ugu aadaan dalxiis si uu uga soo nasto daalka uu ka qaaday ololhii doorashadii looga guuleestay, hasa ahaatee Najiib iyo Qoyskiisa ayaa loo diiday in ay dalka ka baxaan.
Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najiib Razaq  ayaa lagu eedeeyey inuu lunsaday lacag gaaraysa 700 oo milyan oo doolar intii uu xilka hayay, hasa ahaatee eedeyntaasi wuu iska diiday Najib Razaq.
Doorashadii isbuucii hore ka dhacday Malaysia ayaa guul daro lama filaan ah waxa ay kasoo gaartay Najib Razaq iyo xisbigiisa Barisan Nasional, waxaana doorashadaasi ku guuleestay xisbi uu hogaaminayay R/Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Maxamed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com