Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad Xasaasi ah u jeedinaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in beri oo sabti ah Khudbad xasaasi ah u jeediyo Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka.

Gudoonka Golaha shacabka ayaa Xildhibaanada fariin ahaan ugu diray in ajandaha beri uu noqonayo dhageysiga khudbad uu Madaxweynaha Dowlada federaalka ka horjeedinayo Xildhibaanada golaha shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaana la filayaa in khudbada uu xildhibaanada kahor jeedinayo uga hadlo arimo badan oo xasaasi ah ay ku jiraan arimaha siyaasada gaar ahaan doorashada aan wali la ogeyn xiliga ay dhaceyso.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo Madaxweyne Farmaajo in Xildhibaanada golaha shacabka ka codsado in mudo kordhin u sameeyaan dowladiisa si ay dalka u gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah.

Waxaa sidoo kale soo baxaya in Madaxweyne Farmaajo laga yaabo in Xildhibaanada golaha shacabka ka codsado in mudo dheeraad ah ugu daraan waqtiga uu kusoo magacaabayo Ra’isul Wasaaraha cusub.

Hadal jeydinta Madaxweyne Farmaajo ee beri ayaa kusoo aadeysa xili lagu waday in 15-ka bishan oo beri ku beegan magaalada Dhuusomareeb shir uga furmo Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada federaalka ,maamul goboleedyada qaar iyo beesha Caalamka ayaa kasoo horjeeda qorshaha mudo kordhinta ay isla wadaan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xildhibaanada golaha shacabka.

 

Related posts

Henry Kissinger oo geeriyooday iyo saameyntii uu ka tagay oo wali la xasuusto

Cabdi Cade

War Saxaafadeed laga soo saaray Khilaafka Dowlada Dhaxe iyo Maamul goboleedyada (Sawirro)

Cabdi Cade

Sadex Wadan oo isku heysta nin lagu tuhmayo dilka Injineer Maxamed Al Zawari

Cabdi Cade
Taboola Ads ---