Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Murusade oo dalbatay in Sadex xubnood laga siiyo Golaha Deegaanka magaalada …

Qaar kamid ah xildhibaannada iyo Wasiirada beesha Murusade ku metela dowlad gobaleedka Galmudug ayaa Gaalkacyo uga qayb galay kulan ay soo abaabuleen bulshada kasoo jeeda beesha Murusade ee degan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug kaas oo looga hadlay sidii beeshu ay ku heli laheyd saamiga ay ku leedahay golaha deegaanka ee loo dhisayo magaalada, oo ka kooban 27 Xubnood iyo xuquuda kale ee siyaasiga ah.

Odayaasha, dhallinyarada iyo haweenka kulanka soo agaasimay ee mas’uuliyiinta ku metela Galmudug ku casuumay ayaa madasha kusoo bandhigay taariikhda fog ee deegaanka ay ku leeyihiin, awoodooda deegaanka iyo gancsiga, waxayna dalbadeen in xildhibaannada, wasiirrada iyo dhammaan mas’uuliyiinta Galmudug ee beesha metela ay ka shaqeeyaan sidii sedax xubnood oo kamid ah 27-ka xubnood ay beeshu ku yeelato golaha deegaanka Gaalkacyo maadaama lagu qeybsanayo qabiillada magaalada degan.

Waxay ku celiyeen in saamiga xubnaha golaha deeganka Gaalkacyo ee beesha Murusade ee ay yihiin xuquuq aasaasi ah ayna doonayaan Sinaan iyo cadaalad si loo helo Maamul Gaalkacyo loo dhanyahay oo qeyb ka noqda dhameysytirka Galmudug loo dhanyahay.

Xildhibaan katirsan Galmudug oo madasha ka hadlay ayaa wasiirka arrimaha gudaha ee ay quseyso dhismaha golaha deegaanka ugu baaqay inuu saamiga beesha ay ku leedahay ka siiyo, waxuuna bulshada Murusade ee Gaalkacyo ku dhiirri geliyay inay sii wadaan dadaalkooda is-dhex galka bulshada, nabadeynta, horumarinta ganacsiga iyo arrimaha kale ee bulshada.

 Wasiir ku-xigeenka Dekada iyo Kalluumeysiga,  ayaa kulanka ka caddeeyay inay sida ugu haboon uga shaqeynayaan sidii Bulshada Murusade ee Gaalkacyo ay u heli lahaayeen xuquuqda ay maamulka ku leeyihiin maadaama ay iyagu ay kasoo bexeen xuquuqdii maamulku ku lahaa.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug ayaa kulan uu horay ula qaatay bulshada Murusade ee Gaalkacyo waxuu ku ballan qaaday in xuquuqdooda ay ka heli doonaan golaha deegaanka ee degmada loo dhisayo iyo guud ahaan xuquuda maamul ee degmada.

Isku duubnida, wadajirka iyo niyad samida lagu doonayo xuquuqda Murusade ee Gaalkacyo ayaa muujineysa in ay soo bexeen siyaasiyiiin cusub oo garaawsan in bulshada xuquuqdeeda la raadiyo, taas oo culeys xooggan ku noqon doonta siyaasiyiinta xilliga dheer hor boodayay Murusade ee qatarta u arkayay in Murusade xuquuq loo raadiyo taa bedelkeedana ku dadaali jiray in la lumiyo xuquudooda si ay waqti badan ugu sii fadhin karaan kuraasta ay ku metelaan ee danahooda gaarka ay ay ku raadsadaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo Cadaadis xoogan la saaray iyo Xog ku aadan cida ku dhegan!

Cabdi Cade

Xiisad Cusub :Madaxweyne Xaaf oo magacaabay Guddiga Doorashada Galmudug

Cabdi Cade

Cumar Filish oo kormeeray dhismaha waddada isku xirta Muqdisho & Jowhar (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---