Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayuuradii ugu horeysay oo 14 sano ka dib soo caga dhigatay Garoonka Dayniile (Sawirro)

Waxaa maanta dib shaqadiisii u bilaabay garoonka dayuuradaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo muddo dheer xirnaa.

Garoonka ayaa waxaa maanta soo  caga dhigatay dayuuradii ugu horeysay muddo 14 sano ka dib, taasoo ka qaaday dad rakaab ah oo ku sii jeeday gobolada dalka qaarkood.

Bus ay leedahay dowlada Hoose ee Muqdisho ayaa lagu geeyey garoonka rakaabka maanta ka dhoofay, waxaana dib u howlgelinta garoonka ansixiyey dowlada Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir.

Garoonka oo mudooyinkan lagu waday dayactir ayaa la sheegay in loo dhameystiray adeegyadii uu u baahnaa, iyadoo rakaabka la siinayey agabka loogu talo galay ka hortaga cudurka COVID-19.

Duulimaadyada garoonkan ayaa u kala gooshi doona oo kaliya gobolada dalka, mana jiri doono duulimaad dibeda ah oo ka soo degaya ama u dhoofaya sida ay sheegeen saraakiisha garoonka.

Garoonka dayuuradaha degmada Dayniile ayaa waxaa hirgeliyey 20 sano ka hor  xiligii hogaamiye kooxeedyada marxuum Maxamed Qanyare Afrax oo soo noqday Xildhibaan iyo Wasiir, waxaana garoonkan shaqo ugu dambeysay sanadkii 2006 markii ay caasimada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka la wareegeen Midowgii Maxaakiimta islaamiga ee markii dambe awoodooda la wiiqay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug oo kulan xasaasi ah yeeshay

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare oo digniin ka soo saaray doorashada Maamulka Galmudug

Caydiid Ali

Daawo Sawirada Sida maanta looga ciiday magaalada Jilib ay maamulaan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---