Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dalalkii ugu horeeyey Qaarada Afrika oo bilaabaya tijaabada talaalka Coronavirus

Sida ay sheegtay Xarunta Xakameynta iyo Ka hortagga Cudurrada ee Afrika Toddoba dal oo Afrika ku yaalla ayaa toddobaadka soo socda bilaabi doona tijaabada u adkeysiga,

Tijaabada ayaa qeyb ka ah dadaal lagu doonayo in lagu fahmo xaddiga faafitaanka xanuunka COVID-19 ee gudaha qaaradda.

“Liberia, Sierra Leone, Zambia, Zimbabwe, Cameroon, Nigeria, Morocco ayaa ah dalalka ugu horreeya ee arrintaas sameynaya,” madaxa CDC ee Afrika John Nkengasong ayaa sidaasi ku sheegay hadal uu jeediyay shalay.

Wuxuu intaas ku daray in qaaraddu ay sameysay ilaa 9.4 milyan oo tijaabada coronavirus ah, taas oo u dhow hiigsiga 10-ka milyan.

Dr Nkengasong wuxuu xusay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameysay horumarinta tallaalka.

sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins, Qaaradda Afrika ayaa ilaa iyo haatan diwaan gelisay 1,084,904 oo kiisaska coronavirus ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Maamulka Puntland oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade

Khayre oo ka hadlay go’aanka Somalia looga cafiyey deyn dhan $1.4 Bilyan oo Dollar

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar Qarax lu bilowday saakay ku qaaday Deegaanka Camaara

Cabdi Cade