Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Soomaali lala xiriiriyey cudurka COVID-19 oo lagu faquuqay dal ka tirsan Yurub

Soomaalida ku nool dalka Denmark ayaa wajahaya faquuq ay kala kulmayaan bulshada ay la nool yihiin ka dib markii lala xiriiriyey cudurka COVID-19.

Isbuucii hore duqa magaalada Ã…rhus ee dalka Denmark ayaa sheegay, in 61 qof oo laga helay xanuunka Corona-virus ay yihiin dad Soomaali ah. Arintaas oo keentay in warbaahinta dalka Denmark ay ku sameeyaan dabagal iyo hadal heyn aad u badan.

Soomaali badan oo warbaahinta dalka denmark ka hadlay ayaa sheegay in iyaga iyo caruurtooduba ay la kulmeen faquuq ku saabsan xanuunka, hadal heyna looga dhigay inay xanuunka qabaan.

Arinta la yaabka noqotay ayaa ah in macaamiisha baabuurta dadweynaha qaarkood, ay sheegayaan ineysan raaci doonin baabuurta ay wadaan darawalada soomaalida ah, iyagoo sheegaya inay cabsi ka qabaan inay xanuunka qaadaan.

Sidoo kale waxaa jirta hadalheyn ah in dad soomaali ah oo ka shaqeeyo warshad caanaha iyo burcadka(Smør) ay xanuunka geeyeen halkaas, ka dib markii shaqaalihii kale ee warshada uu xanuunka kusii faafay.

Warbaahinta iyo siyaasiyiinta Denmark ayaa hadal qabsi ka dhiganayo soomaalida, marka ay rabaan inay ka hadlaan xanuunka Denmark dhawaan ku faafay ee COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan laga guuleystay oo burburiyey Ceelal uu olole doorasho ku galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in 20 dagaalyahan Al-Shabaab looga dilay duleedka degmada Jalalaqsi?

Caydiid Ali

Maxkamadda Caalamiga ee ICJ oo oo soo saartay ammar cusub oo ku socda Isra’il

Cabdi Cade
Taboola Ads ---