Allbanaadir.com
NEWS

Qoor Qoor oo ku laabtay Dhuusomareeb Shaacana ka qaaday Xiliga Shirka Furmayo (Sawirro)

Madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa dib ugu soo laabtay Caasimadda Galmudug kadib socdaal hawleed qaatay 2 isbuuc uga maqnaa deegaanada Galmudug.
Wefdiga Madaxweynaha waxa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka GM, Xubno katiran golleyaasha Xukuumadda & Baarlamaanka, maamulka caasimadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
 
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo hadal kooban siiyey Warbaahinta markii uu gaaray xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in Shirka Dhuusamareb 3 Waqtigii loo asteeyey uu ku qabsoomayo.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Guddiyada loo xil saaray in ay ka baaraan dagaan nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa ay soo gaarayaan magaalada Dhuusomareeb dhawaan si ay howlahooda u bilaabaan.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada iyana imaan doonaan magaalada Dhuusomareeb si halkaasi uga furo wajiga sadexaad ee shirka Dhuusomareeb.

Related posts

Xoghayihii guud ee golaha Shacabka oo is Casilay iyo Wasiir hore oo lagu bedelay

Cabdi Cade

Cumar Dhalaxow oo galabta lagu dilay Muqdisho iyo Gudoomiye Mursal oo ka hadlay

Cabdi Cade

Wafdigii Xassan Shiikh oo lagu soo dhoweeyey Ankara (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---