Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta booqasho ku tegay gobolka Tadjoura .
Madaxweynaha ayaa booqday Dekadda Tadjoura iyo horumarka kale ee halkaasi ka socda, waxaana warbixin siiyey Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Mudane Abuubakar Cumar Xadi.
Saciid Deni iyo wafdigiisa ayaana lasoo tusay qeybaha kala duwan ee Dekadda Tadjoura iyo sida ay u shaqeyso, waxa ayna indhahooda kusoo arkeen horumarka ka jira dekadaasi kamid ah kuwa ugu waa weyn Jabuuti.