Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo badan oo kasoo goostay Puntland oo ku biiray Somaliland (Daawo Sawirada)

Maamulka Somaliland ayaa Warbaahinta usoo bandhigay ciidamo badan iyo hubkooda oo isku soo dhiibay, kuwaa oo la sheegay in ay kasoo goosteen dhinaca maamul goboleedka Puntland .

Ciidamadan ku biiray Somaliland oo gaaraya 130-askari ayaa markii hore katirsanaa maamulkii Khaatumo, hasa ahaatee markii maamulkaasi labo dhinac u kala jabay ayey ku biireen dhinaca Puntland sida uu sheegay Wasiirka Amniga Khaatumo  Keyse Cabdi Yuusuf.

Ciidankan kasoo goostay Puntland ayaa lagu soo bandhigay Deegaanka Widhwidh, waxaana goobta lagu soo bandhigayay ciidankan ku sugnaa Masuuliyiin katirsan Khaatumo, Waxgarad iyo saraakiil katirsan Milatariga Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Somaliland ee Aaga deegaanka Widhwidh G/Sare Cabdilaahi Dheere ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan ciidankan kasoo goostay dhinaca Puntland, waxa uuna sheegay in ciidankan kamid yihiin hada kadib Milatariga Somaliland.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin ciidankan la sheegay in ay ka goosteen kuna biireen dhinaca Somaliland, waxa uuna warkan kusoo aadaya xili Puntland dhawaan iyana soo bandhigeen ciidamo ay sheegeen in ay kasoo goosteen Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse oo Ciidanka Danab ee Jubbaland u balan-qaaday..(Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay Sydney iyo ninkii ka dambeeyay oo la toogtay

Cabdi Cade

Ciidamada Danab iyo Ciidamo Mareykan ah oo howlgal dhiig ku daatay ka fuliyay Jilib

Cabdi Cade
Taboola Ads ---