Allbanaadir.com
NEWS

Casaam Al Caryaan oo goordhaw la shaaciyay in uu ku dhax geeriyooday Xabsi uu ku xirnaa

Wararka ka imaanaya magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar ayaa sheegaya in xabsiga Dhura uu ku dhax geeriyooday Casaam Al Caryaan oo katirsanaa hogaanka sare ee Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee laga mamnuucay Masar.

Casaam Al Caryaam ayaa la sheegay in uu ku dhax geeriyooday gudaha xabsiga uu ku xirnaa kadib markii uu wadnaha istaagay, mana jiraan faah faahino badan oo geeridiisa ka bixisay dowlada Masar hogaamiyahan maxbuuska ahaa.

Waxaa sidaan oo kale isna horey u geeriyooday iyada oo maxkamad la saarayo Madaxweynihii hore ee dowlada Masar Maxamed Mursi oo isna kamid ahaa kooxda Ikhwaanul muslimiin.

Dowlada Masar ayaa lagu eedeeyaa in ay dhibaato ugu geesato gudaha xabsiyada ay ku xiran yihiin hogaanka Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee xabsiyada ku jira, waxaana jira xubno kale oo ururkaasi katirsan oo ku dhibaateesan xabsiyada ay ku jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne xigeen caan ah & xaaskiisa oo laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan iyo Amiirka Qatar oo Tababar usoo xuray saraakiil saddex Dal kasoo jeeda (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Farmaajo oo kulankii u horeeyey la qaatay Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---