Allbanaadir.com
NEWS

Jabiso weyn oo liqday Eey oo lagu toogtay Deegaan Al Shabaab maamulaan (Daawo Sawirro)

Degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhaxe ay maamulaan Al Shabaab waxaa lagu toogtay Mas nuuca loo yaqaan Jabisada oo la sheegay in ay cuntay eey , waxaana jabisadan toogtay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ay arkeen Jabisadan oo caloosheeda laga dareemayay culees weyn, waxa ayna sheegeen in ay u qaateen in ay soo cuntay dad ama xoolo sidaasna lagu toogtay .

Jabisada ayaa la sheegay on markii la dilay kadib caloosha laga dooxay lagana soo saaray Eey siidiisa ah, waxaana dad badan layaab ku noqotay in jabisadan ay sidiisa u liqday eeygan oo ahaa mid weyn.

Dad badan ayaana isugu soo baxay goobta Al Shabaab ku toogteen jabisadan halista badan ku heysay degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhaxe, waxa ayna sheegeen dadka degan degmadaasi in jabisadan horey u cuntay xoolo ayna cabsi badana dadku ka qabeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo la kulmay Xubno katirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Mombasa (Sawirro)

Cabdi Cade

Xubno kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay kana hadlay Sababta ay usoo goosteen

Cabdi Cade

(Sawirro) Dowlada Somalia oo ciidamo hor leh geysay degmada Belad-xaawo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---