Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug waxaa shalay laga sagootiyay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad kuwaa oo la sheegay in howlgalo ka fulinayaan degmooyin iyo deegaano Al Shabaab maamulaan.
Ciidamadan oo ku hubeesnaa gaadiidka dagaalka iyo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa sagootiyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Ciid iyo Wasiirka Amniga Gudaha xukuumada Soomaaliya.
Wasiirka amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada milatariga iyo kuwa Galmudug hada ku sugan yihiin deegaanka Bulacle oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Waxa uu sheegay Fiqi in ciidanka ay bilaabi doonaan howlgalo Al Shabaab looga saarayo deegaano iyo degmooyin hoostaga Gobolka Galgaduud uu sheegay in ay maamulaan kooxda Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa maamusha Degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo degmooyin kale oo katirsan gobolka Galgaduud, deegaanadan ayaana gacanta Al Shabaab ku jiray sanado badan.
Maamulka Galmudug ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay diyaarinayay ciidamo badan oo la sheegay in Al Shabaab ka saarayaan deegaanada iyo degmooyinka ay ka joogaan gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com