Guddiga ka baaraan degaya nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa ay soo magacaabeen Dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada qaar ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo hoose ku kahaa magaalada Muqdisho.
Xubnihii Puntland iyo Jubbaland ku matalayay guddiyadan lasoo magacaabay ayaa ka biyo diiday in ay ka qeyb galaan shirarka ka socda magaalada Muqdisho, waxa ayna shaki ka muujiyeen maamuladan sida ay Muqdisho wax uga socdaan.
Sii-hayaha Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Muqdisho ka dhaceen shirar hore dhac ah oo ay uga tashanayeen doorashada ayna isugu yimaadeen inta badan guddiyadii la magacaabay.
Saalax Axmed ayaa sheegay in rajo wanaagsan ka qabaan in shirka magaalada Dhuusomareeb lagu balan sanaa in waqtigii loogu tala galay ku dhaco, waxa uuna xusay in ay socdaan dadaalo ku aadan sidii shirkaasi u dhici lahaa.
Wasiirka ayaa sidoo kale qiray in shirka guddiga Farsamada ee habsami u socodka iyo ka baaraandegidda arrimaha doorashooyiinka ee Muqdisho ka dhacay ayasan ka qeyb galin xubnihii matalayay maamulada Jubbaland iyo Puntland.
” Waa run way naga maqan yihiin labadii xubnood ee Jubbaland iyo Puntland, balse waxaan ku raja weenahay inay Dhuusamareeb noogu iman doonaan, marka waa dadaal aan sii bilaawnay ,”, ayuu yiri wasiirka.
Wajiga Sadexaad ee shirka magaalada Dhuusomareeb ayaa u muuqda mid aan dhici doonin maadaama aysan wali kulamo rasmi ahba yeelan guddiyadii la magacaabay, waxaana xiliga shirka loo balamay ka harsan labo maalin oo kaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com