Xabsiga dhexe ee Xamar wixii ka dhacay waa tusmo tilmaameysa awooda kartida waxqabad oo ay leeyihiin hayadaha dowladda. Dowladnimada waxaa saldhig adag u ah jiritaanka hayadaha dowliga ee lagama maarmaanka u ah adeegyada daruuriga ee shacabku uga baahan yahay hawlaha dowladda. Hayadahaas oo tayo aqooneed loo baahan yahay iney ku gutaan adeegyada waajibaadkooda loo igmaday si ay dadweynaha uga haqabtiraan baahiyada loo abuuray. Tayada ay hayadahaas ku gudanayaan wajibaadyada loo xilsaaray waxey u baahan tahay dib u habeyn in loogu sameeyo sharciyada ay ku hawlgelayaan oo laga saxo in laga saaro xeerarka duugoobey ee aan la dhaqan geli karin wakhtiga la joogo, kuwaas oo ka horimanaya adeegsiga tiknoolajiyada cusub iyo isbedelka ku yimid siyaasadda dalka iyo casrinimada aqoonta cusub ee maareynya iyo maamulida adeegyada dadweynaha.
Tayada hayadaha dowladda waxey u baahan tahay madax ay si xoogan u dhisan tahay aqoontooda si ay awood buuxda ugu yeeshaan la socodka hawlaha loo xilsaaray hayadahooda iyo sidii ay dabagal hufan ugu sameyn lahayeen adeeguada ay bixiyaan inuu waafaqsan yahay sharciyada u degsan hayadahooda, iyo sidoo kale iney xeerbeegsi ku korjoogteyn karaan habsami u socodka ay kula soconayaan in hawlaha adeegyada ku xiran hayadahooda aysan baalmarin shuruudaha ay ku hawlgelayaan oo lagala xisaabtamayo. Hayadaha dowlada waxey sidoo kale u baahan yihiin awood kartiyeed oo ay ka helaan jiritaanka wakhti ay ku kobcaan si ay u gaaraan qaangaarnimo ay ku buuxsadaan dad tayo leh, sharciyo hufan, maaliyad haqabtiran, qalab dhameystiran, iyo hogaamin karti u leh meelmarinta waajibaadkooda iyo u adkeysiga culaabta iyo caqabadaha uga imanaya hawl gudashadooda.
Xabsiga Dhexe ee Xamar waxaa lagu wada xiraa maxaabiista kala ah dembileyaasha siyaasadeed, burcadda, argagixisada, Tuugada, gacankudhiigleyaasha, iyo kuwo si qarsoodiya ugu xiran. Xabisiga waxaa dhisay fashiistihii talyaaniga, welina waxaa lagu maamulaa sharciyadii uu ka tegey iyo kuwo ay ku dartay dowladii kelitaliska mileteriga oo xadgudub daran ku ahaa xuquuqda maxaabiista. Marna laguma sameyn dibuhabeyn sharci, sidoo kalena maamul rayida oo habsami u maareeyana looma sameyn kaas oo ka hortaga tacdiyada gudaha loogu geysto maxaabiista, sida jirdilka, kufsiga, nafaqodarrada, caafimaaddarada, aqoondarrida, iyo la xiriirin la’aanta qoysaskooda. Hogaaminta Xabsiga Dhexe iyo ciidanka maamulaya midna tayadoodu ma gaarsiisna heer ay ku muteysan karaan in lagu aamino nolosha qeyb ka mida bulshada Soomaaliyeed, horayna looma siin tababar xirfadeysan oo ay ku gudan karaan aqoon ay ku kala fuliyaan xilalka wajibaadkooda iyo daryeelka dhowrista xuquuqda maxaabiista.
Wakhtiga dheer oo uu jiro Xabsiga Dhexe ee Xamar kuma soo kordhin tayo wanaagsan oo ay ku hawlgalaan ama ay si hufan ugu dhabar adeygaan culaabta uga imaaneysa hawl gudashadooda. Ma jirto adduunka hal meel oo la isugu geeyo maxaabiis ay dembiyadoodu aad u kala culus yihiin, waxaana taabogala in argagixisada laga xabsi duwo dembiileyaasha kale oo iyaga loo sameeyo xabsiyo u gaara si aysan u dhicin in dadka dembiyada fudud gala aysan dhibane u noqon kuwa aan nolosha rajada badan ka lahayn. Sidoo kale waxaa xagjiriinta mitidka ah laga xabsi duwaa dembiileyaasha kale si aysan fursad qaaliya uga dhex helin xabsiyada dhexdooda oo ka dhex fuliyaan tashkiilin maxaabiista ay ku maandoorinayaan.
Xabsiga Dhexe ee Xamar wuxuu tusaale u yahay hayado badan ee dowladda oo qolof ahaan u taagan, laakiin tayo ahaan aan weli u adkeysan karin ka soo bixida gudashada waajibaadkooda. Tayeynta hayadaha dowladda waxaa hortaagan isbedel la’aan loo qaado xaga sharciga, aqoondarro hogaanxumo, xatooyo ka dhowrista miisaaniyad, iyo tababargelin la’aanta heer sareyn ah lagu gaarsiinayo xirfadeynta hawlwadeenada. Hayada dowladda ugu sareysa iyo mida ugu hooseysa waxey ka wada siman yihiin madax aan tayo aqooneed lahayn oo la keensado iyo adeeg maamulxumo oo ay wax ku hogaamiyaan, iyo iney si milkiyadooda ah u musuqmaasuqaan hantida iyo agabka miisaaniyad ahaan loogu talogalay hayada. Marka ay hayada ku dhacdo nasiibdaro ay ku soo baxdo ceeb ka dhalatay tabargal xumadeeda, ayaa waxaa dhacda in la sameeyo cayaar masraxeed eeda dusha looga saarayo cidaan mudnayn iyo tilaabo qaad aan munaasab ahayn.
Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)
Maine. Texas, USA
Â