Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Maamul goboleedyada dalka oo qaadacay Shir lagu qabanayo Muqdisho

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in aysan ka qeyb galeyn shir looga hadlayo dib u eegista Dastuurka KMG oo la filayo in isbuucan uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Dr. Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa cadeeyay in maamulkooda uusan ka qeyb galeyn Shirka looga hadlayo Dastuurka ee lagu qabanyo Muqdisho,

Dr. Aadan Ibraahim ayaan cadeyn sababaha maamulkooda uga baaqsadeyn ka qeyb galka shirkan ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dastuurka Xukuumada Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabanayo.

Waxaa sidoo kale jira cabsi laga qabo in maamul goboleedyada qaar ee dalka iyana qaadacaan ka qeyb galka shirkan looga hadlayo arimaha Dastuurka, waxaana marar badan fashilmay shirar ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dastuurka Xukuumada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiin la kulmay ehelada labadii qof ee lagu dilay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

RW Rooble oo ka hadlay Madaxweyaha cusub ee loo doortay Somalia

Caydiid Ali

Guddoomiye Mursal oo kulan xasaasi ah la qaatay Golaha Musharaxiinta (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---