Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib safar dhoor cisho qaatay uu ku tagay dalka Turkiga.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho kadib kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan-degida Hannaanka Iyo Habsami-U-Scodka Doorashooyinka Dalka.
Kulanka Madaxweyne Qoor Qoor la qaatay guddigan ayaa looga hadlay halka ay mareyso shaqada loo igmaday guddiga iyo sidii loo dar dar galin lahaa sidii guddiga uga soo bixi lahaa waajibaadka loo igmaday.
Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan-degida Hannaanka Iyo Habsami-U-Scodka Doorashooyinka Dalka ayaan wali si rasmi ah u shaqo bilaabin xili shirkii loo balansanaa in uu ka dhaco magaalada Dhuusomareeb kaharsan yahay labo maalin kaliya.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xubnihii ugu jiray guddigan wali soo gaarin magaalada Muqdisho, waxaana labadan maamul kahor yimaadeen shir dhawaan la filayay in guddigan farsamo in uu uga furmo magaalada Muqdisho