Allbanaadir.com
NEWS

Mahdi Guuleed oo la kulmay Guddiga Baaraya Weerarkii Xabsiga Dhaxe (Daawo Sawirro)

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kulan la qaatay guddiga loo magaacay inay baaris dhammeystiran ku sameeyaan shaqaaqadii maalin kahor ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo looga hadlay sameynta baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhacdadii Xabsiga dhexe, si loo helo warbixin dhammeystiran oo go’aan lagu qaadan karo, ayaa lagu magacaabay guddi Farsamo oo guddiga kala shaqeeya fududeynta baarintaanka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa guddiga kula dardaarmay inay baaritaanka kusoo gebagebeeyaan 10-ka maalin ee loo qorsheeyay lagu soo saaro natiijada baaritaanka.

Related posts

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo goordhaw kusoo laabtay Muqdisho kaddib markii…

Cabdi Cade

Xiliga iyo goobta ay ku kulmayaan Madaxda labada Kuuriya oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Wasiirada Difaaca Somalia & Jabuuti oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---