Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa kulan gaar ah ku qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cabdikariin guuleed ayaa kulankooda uga wada hadlay arimo badan oo muhiim ah ay kamid tahay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada dalka gaar ahaan Galmudug .
”Waxaan magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga ku kullanay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana ka wadahadalnay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh. Sidoo kale madaxweyne Qoor Qoor waxaan ku boggaadiyay howlihii wanaagsanaa ee uu muddada kooban ka qabtay deegaannada Galmudug, anigoo ku dhiiri-galiyay in lasii labo jibaaro.’ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.
Labada Masuul ayaa sidoo kale kulankooda uga wada hadlay qabsoomida Shirka Dhuusomareeb 3 ay ku balansan yihiin Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.
”Galmudug waxey hadda udub dhexaad u tahay siyaasadda kala guurka ah ee Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa shirka Dhuusamareeb 3. Madaxweyne Qoor Qoor waxaan isla soo qaadnay inuu shirkaasi xilligiisa ku qabsoomo iyo inuu dhexda u xirto iney kasoo baxaan go,aamo Soomaalidu raali ka wada tahay oo jidka u xaara iney doorashadu noqoto mid lagu wada qanacsan yahay oo xiligeeddana ku dhacda.” ayuu yiri Guuleed.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa u muuqda mid doonaya in uu isku hayo siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa muxaafidka, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa Xisbiyada Mucaaradka.