Baarlamaanku wuxuu ku guuldareystay inuu saxo qaladaadka ka buuxa dastuurka kmg ama qabyada ah, taas bedelkeeda wuxuu isku deyayaa sharciyo gaara inuu u dejiyaan habraaca lagu meel marinayo xeerarka qoyska. Aragtida guud ee ra’yiga shacabka Soomaaliyeed waxey horay si aqlabiyad leh u soo bandhigeen wakhtigii la sameeyey talo ururinta lagu turxaan bixinayey waxyaabaha qaldan ee ku dhexjira dastuurka in da’da qaangaarka lagu saleeyo sida dhaqanka Soomaalida iyo diinta Islaamka ay qabto, taas oo ah da’da 15 sano marka uu qofku jirsado.
Dhaqanka wadamada reer galbeedka oo uu UNka dastuurkeena ka soo minguuriyey waxey rumeysan yihiin in wixii ka yar 18 sano qofku yahay caruur ama ah wiil ama ah gabar ama jinsiyada u dhexeeya oo jiritaankooda ay rumeysan yihiin, fikirkaas wuxuu saameynayaa guurka, shaqada, iyo waxbarashada. Soomaaliya kama mid ah wadamada dhaqanka, diinta, iyo mabaadi’da reer galbeedka looga dhaqmo, qaadashada fikir cusubna wuxuu u baahan yahay isbedel bulsho iyo ogolaanshaha shacabku si xora ay ku lahaanayaan dhaqanada ay qaadanayaan.
Unka oo fulineysa rabitaanka dhaqanada reer galbeedka oo weliba si casriya uga dhigeysa isticmaalka ilbaxnimada dhaqankaas, ayaa meelmarintooda waxey u adeegsadaan deeq bixintooda, iyagoo weliba maalgelintooda lacageed dulsaaraya hanjabaadyo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo ay kala duldhacaan wadamada saboolka ah oo koriinkooda lagu xiray iney sameeyaan dhalaanrog dhaqameed, diimeed, iyo siyaasadeed. Rabitaanka bulshada caalamka oo saaxiibtinimadoodu ku saleysan tahay deeq bixin shuruudeysan ma ahan kuwo dhowra rabitaanka iyo xoriyada dimoqaraadiyadeed ee fikradahooda laga aaminsan yahay gudaha dalalkooda, laakiin marka ay dibeda ka joogaan dalalkooda waxey adeegsadaan amaro ay ku meelmarinayaan rabitaankooda oo ay ku dalbanayaan danahooda iney ku doorsadaan deeqaha ay bixiyaan, taas oo si jujuuba uga soo horjeeda maslaxda rabitaanka shacabka la doonayo dhaqankooda iyo diintooda in la dhalanrogo.
Gabdhaha da’doodu ka yar tahay 18 sano wadamada reer galbeedka lama ogola in la guursado, laakiin gabdhahaas waxaa loo ogol yahay iney guur la’aan ilmo dhalaan, gaar ahaana ay guur la’aan kula galmoon karta kuwa ay isku da’da yihiin. Halkaas waxaa ka muuqda in gabadhaha ay xor u yihiin galmadooda iyo uur qaadidooda guur la’aan, laakiin aysan qaadi karin masuuliyad, waxaana sidaas sanad walba ku dhasha ilmo leh hal waarid keliya oo weliba inta badan aysan ogeyn aabihii dhalay, sidaasna waxaa ku abuurma mujtamac aan lahayn diin iyo dhaqan wanaagsan ama guurku uusan ahayn mid u dhexeeya nin iyo naag keliya, laakiin ay qeyb ka yihiin dadka isku jinsiga ah iyo xooluhu ama qofku wixii uu doono oo uu jeclaado, waxaana bulshooyinkaas ka maqan doorka iyo awooda waaridka oo uu ubadkoodu soo dacweyn karo ama soo xiri karo.
Soomaaliya guurku wuxuu lahaa xeer, dhaqan, iyo diin la waafajiyo taabogelintiisa, waxaana qeyb ka ahaa guur da’ yar iyo guur da’ weyn, kuwaas oo loo mari jirey ogolaanshaha waaridka guurka da’ yarta ah ama rabitaanka qaangaarka isku doonan. Dhaqankaas guurka Soomaalida waxaa ku socda isbedel jihooyin badan uga imanaya oo kala ah kuwo ku yimaada ogolaansho la’aanta waaridka, kuwo ku yimaada wada socod saaxiibtinimo, kuwo ku saleysan xagjirnimo diimeed, kuwo ku dhisan ajnebi la noolaasho, iyo kuwo duruufo dhaqaale awgeed xoolo doonis ku dhisan. Soomaaliya dhaqan ahaan iyo diin ahaan waxey ka soo horjeeda galmo aan sharci ahayn iyo ubad xaaraan ku dhasha oo aan abbe xalaala lahayn.
In kastoo dhaqankeedu ogol yahay Soomaalida waxaa aad u yar guurka gabdhaha da’doodu ka yar tahay 15 sano, waxaana sidoo kale ku yaraa gabdhaha guurku ka daaho oo weynaanta lagu guursado. Sharciga lagu xoreynayo gabdhaha aan qaangaarka ahyn waa mid meesha ka saareysa doorka masuuliyada waaridka, laguna sharciyeynayo madaxbanaanida ay go’aankooda ku qaadan karaan caruurta aan qaangaarka ahayn sida, iney qoyskooda isaga tegi karaan, saaxiibo ay la noolaadaana ay yeelan karaan, xorna ay u yihiin dharka ay xiranayaan, waxa ay cabayaan, waxa ay dhuuqayaan, iyo diinta ay rabaan iney qaadan karaan.
Sharciga guurka ee loo sameynayo Soomaaliya waxaa ku hoos duugan waxyaabo badan oo wakhti dheer ka dib fasiraad cusub u sameynaya jiilasha dambe oo raacaya saanqaadkii jiilasha ka horeeyey, waxaana la kala dooranayaa guurka gabdhaha aan gaarin 18 sano waa kufsi iyo galmada saaxiibtinimada gabdhaha aan qaan gaarin iyo carruurta habdhaqankaas looga dhalo waa mid xora, xaqa oo xalaala. Waxaa wanaagsan wakhtiga isbedelaya iyo bulshada isbedelka ku imaanaya inaan hadda laga hordhicin, wax walbana ay la saanqaadan biseylka bulshada wakhtiga ay markaas joogto. Soomaaliya hadda diyaar uma ahan faragelin shisheeye iney dib u qaabeyso habdhaqankeeda guurka iyo xeerarka qoyska. Haddii dhaqankaas Soomaalida uu ku jiro meel ka dhacyo u muuqda xadgudubyo, haddaba ogsoonow sharciyada cusub ee dalka dibediisa laga soo dhoofiyey waxey xambaarsan yihiin meel ka dhacyo ka xanuun badan kuwa aan ka tabaneyno dhaqanka Soomaalida. Waa ay adag tahay sharciga cusub ee sida dadban lagu soo dhex gelinayo xeerka qoyska Soomaaliyeed inaad si dhaba u aragtid dhibaatooyinka ku dhex duugan sida adiguba aadan si fudud ugu arki karin dhabarkaaga.
Baarlamaanka wakhtigiisii waa dhamaaday ee ha ka joogsado sharciyada xun ee uu meelmarinayo wakhtiga dhamaadkiisa, kuwaas oo wax ka yar 140 xildhibaan ay meel marinayaan. Ku dhowaad 200 oo xildhibaan iyo senataro ayaa ka xishooday wakhtigaan iney ka mid noqdaan kuwo ka qeybgala kulamada baarlamaanka, iyagoo sharafkooda ka ilaalinaya iney dalka u xeeriyaan sharciyo aan ku habooneyn dhaqan gelintooda, sidaas daradeed waxaa dib u eegis u baahan dhamaan sharciyada sida boobsiiska ah loogu meelmarinayo gabaogebada dhamaadka wakhti xileedka baarlamaanka.
Waxaa Qoray:
Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)
Guddoomiyaha Xisbiga dadka Soomaaliyeed
Maine. Texas, USA