Allbanaadir.com
NEWS

Dal daris la ah Soomaaliya oo hawada sare u diray dayax gacmeed

Dalka Kenya ayaa ku guuleesatay in markii ugu horeesay Dayax Gacmeed lagu farsameeyay gudaha Kenya in hawada sare loo diro, waxa ayna Kenya noqotay dalkii ugu horeeyay oo geeska Afrika kuyaala oo Dayax Gacmeed hawada u dira.

Jaamacada Nairobi waxaa isugu tagay Saaynisyahano Kenyan ah, khuburro ka socotay dalka Japan, ardey iyo  marti sharaf kala duwan kuwaa  oo si toos ah u daawanayay munaasabada xariga looga jarayay sidoo kale hawada loogu dirayay Dayax gacmeedkan.

Dayax gacmeedkan Kenya hawada sare u dirtay waxaa ka caawisay dowladda Japan oo maalgelisay mashruucan iyo lacagta ku baxday, waxaana Dayax Gacmeedkan lagu sheegay baaxaddiisa 10 sentiimiitar oo afar gees ah.

Waxaa laga diray Dayax Gacmeedkan xarun kutaala magaalada Tokyo ee dalka Japan, waxaana dayax gacmeedkan loogu magacdaray Nano hawada u dirtay waaxda caalamiga ah ee JAXA ee dalka Japan .

Dalka Kenya ayaa kamid noqday lix wadan oo Afrikan ah oo horey ugu guuleestay in hawada sare u diraan Dayax Gacmeed, waxaana Dayax gacmeedkan Kenya ka caawin doona arrimaha beeraha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa xebeehda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada Somaliland oo soo saaray Jadwalka Diiwaangalinta ilaa 6 Musharax

Cabdi Cade

Ciidanka Puntland oo dilay ajaaniib kale oo ka tirsan Daacish

Caydiid Ali

Wasiir Cali Xoosh oo shacabka ugu baaqay ineysan dhayalsan digniinta DF soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---