Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Halkee marayaa dhismaha xarunta cusub ee Madaxtooyada Galmudug? (Daawo sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer indha-indheyn ah ku tegay Dhismaha Xurunta Madaxtooyada ee cusub iyo Afar Wasaaradood oo Dhismahoodu ka socdo Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb.

Kormeerkan Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku wehlinayey wasiiro ka tirsan Xukumadda iyo Maamulka caasimada.

Injineerada gacanta ku haya Dhismaha Xarumaha Madaxtooyada iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha shaqada socota iyagoo sheegay in bisha September sanadkan 2020 aay soo dhammaandoonto.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Ku xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha DGM ayaa u Mahad celiyay Shirkadaha iyo wasaaradda Howlaha Guud ee gacanta ku haya Dhismaha xarumahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabasho Xoogan oo kasoo yeertay Dhalinyaradii Gobalka Banaadir shaqo abuurka u sameeyay

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey askar la dilay & dagaal ka socda degmada Wanle-weyn

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo ka hadlay dagaalkii Boosaaso amar cusubna siiyay ciidamada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---