Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF & dowlad goboleedyada oo Shir heer Wasiir ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta guddoomiyay shirka wasaaraddaha maaliyadda dowladda dhexe,dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray nidaamka maamulka iyo maaliyadda dalka iyo sidii wadajir looga wadashaqeyn lahaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale xoojinta arrimaha barnaamijka deyn cafinta dalka.

Sii hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxaa ku wehlinayay wasiiru-dowladda wasaaradda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda,

Waxaa goob joog ka ahaa wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda maamulka gobolka Banaadir Mudane Axmed Xasan iimaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Faahfaahin: Qarax shan qof dilay oo caawa ka dhacay Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Burcad hubeesan oo Caawa Muqdisho lagu qabtay iyo Taliska booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---