Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xil ka qaadis uu sameeyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka oo laga hor yimid

Gudoomiayaha Maxkamadda Degmada Hodon ee gobolka Banaadir ayaa ku gacan seyray Xil ka qaadis uu ku sameeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Axmed Yuusuf.

Maalmihii la soo dhaafay Waxaa jiray dood dhinaca sharciga ah oo ka dhalatay cidda awoodda u leh Xil ka Qaadista gudoonada Maxkamadaha degmooyinka.

Guddoomiyaha Xilka laga qaaday oo magaciisa lagu soo gaabiyey Aabi ayaa ku doodaya in xilka ay ka qaadi karto oo kaliya Wasaarada garsoorka dalka oo uu sheegay iney markii hore magacowday.

Warqad lagu soo xirayo masuulkan oo uu qoray Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa gaarsiiyay Xafiiska taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen Xijaar sida ay xaqiijiyeen Ilo Xog ogaal ah.

Warar kale ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hodan uu dhankiisa qoray warqad Waaran ah oo ku socota Gudoomiyaha Maxakmadda Sare.

Lama oga weli sababta keentay khilaafka labada masuul ee soo dedejiyey xilka ka qaadistan balse arrintan ayaa ku soo aadeysa xili dowlada Somalia ay dedaal ugu jirto xoojinta nidaamka heyadaha garsoorka dalka oo cadaalad daro baahsan iyo musuq xun laga soo sheegayey sanadahan dambe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo si adag u beenisay hadal ka soo yeeray dowlada Somalia

Caydiid Ali

(Sawirro) Xasan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka

Caydiid Ali

Saameyn intee le’eg ayay yeesheen roobabkii ka da’ay Muqdisho? (Warbixin)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---