Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ma dhab baa in Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab uu Xabsiga dhexe ka baxsaday?

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la ogaaday inuu shalay ka baxsaday Xabsiga dhexe ee Xamar intii uu socday dagaalkii sababay dhimashada iyo dhaawac ee shalay ka dhacday gudaha Xabsiga.

Mubaarak Ibraahim Iidle ayaa watay bastoolad aan la sida uu ku helay markii uu ka baxsanayey xabsiga, isagoo banaanka ku dilay labo qof oo midkood la sheegay inuu ahaa darawal bajaaj oo uu horey uga sii qaatay mootada uu ku baxsaday sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amaanka.

Mubaarak ayaa waxaa sanadkii 2014 lagu xukumay 10 sano oo xarig ah, waxaana mudada xabsigiisa ka dhimaneyd afar sano, isagoo ka mid ahaa maxaabiis ka tirsan Al-shabaab oo shalay dagaal ka bilaabay xabsiga dhexe.

Afhayeenka ciidanka Asluubta G/sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sheegay in 15 Maxbuus ay ku dhinteen, 7 kalena ku dhaawacmeen shaqaaqadii shalay ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar.

G/sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sidoo kale sheegay in afar askari ay ciidanka kaga dhinteen shaqaaqadan, uuna ku dhaawacmay mid kale.

Sii hayaha xilka  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddi soo Baara Dhacdada Shaqaaqadii shalay ka Dhacday Xabsiga Dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wasiirka A/dibeda Somalia oo Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali

Maaddo ku jirta cabitaan Soomaalidu isticmaasho oo la sheegay inay kansar sababto

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Dab xooggan oo qabsaday daarta Trump Tower & Khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---