Afhayeenka ciidanka Asluubta G/sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sheegay in 15 Maxbuus ay ku dhinteen, 7 kalena ku dhaawacmeen shaqaaqadii shalay ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar.
G/sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sidoo kale sheegay in afar askari ay ciidanka kaga dhinteen shaqaaqadan, uuna ku dhaawacmay mid kale.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiista geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay ay ku jiraan qaar aan shaqo ku laheyn shaqaaqada dhacday oo ay haleeshay rasaastii la isweydaarsanayey.
Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya, ayaa xalay sheegay in labo askari ay ku dhinteen dhacdadan, isagoo aan sheegin khasaaraha maxaabiista.
Sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddiga Baarista Dhacdada Shaqaaqadii shalay ka Dhacday Xabsiga Dhexe.
Waxaa hadda degan xaalada xabsiga dhexe, waxaana la geeyey ciidamo dheeraad ah oo lagu xoojiyey kuwii horeu joogay, waxaana sidoo kale la baadi goobaya mid ka mid ah maxaabiista dagaalka kiciyey oo baxsaday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com