Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Gorod oo soo saaray amar adag oo ku socda ciidamada Milateriga

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Jen. Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa ciidamada Xoogga dalka siiyey digniin adag xili howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ay ka bilaabanayaan magaalada Muqdisho.

Jen. Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa sheegay in Ciidamada amniga marka laga reebo ciidamo kale aan magaalada lagu arki karin waxaana uu ugu baaqay askari ah inuu ku ekaado halka uu ka diiwaan gashan yahay, uusana magaalada hub la dhexmarin.

Waxa uu sheegay in askarigii lagu arkaa Muqdisho, isagoo hub ku dhex wata loo qaadan doono kooxaha amniga ka soo horjeeda, isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.

Digniinta uu  soo saaray taliyaha Xoogga dalka ayaa ah mid lagu xoojinayo hadal ka soo baxay Wasiirka Amniga Soomaaliya oo ahaa inaan Muqdisho lagu arki karin ciidamo hub wata oo aan aheyn kuwa amniga u xilsaaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Somaliland oo heshiisyo cusub ku gaaray Jabuuti (Akhriso War Murtiyeed)

Cabdi Cade

Askari Mobile ka daawanayay xaaskiisa oo foolanaysa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Khayre oo ka hadlay Khilaafka Rooble iyo Farmaajo, arrimaha Galmudug iyo Kiiska Ikraan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---