Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka amniga oo si kulul uga hadlay dilalka ku soo kordhaya Magaalada Muqdisho

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa ciidanka ammaanka faray inay shacabka u dhimriyaan marka ay sameynayaan howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo, ayna gacan bir ah ku qabtaan kooxaha anmni darada wada.

Hadalkan ayuu Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ka sheegay munaasabad xalay lagu soo bandhigayay ciidanka xasilinta oo Muqdisho ka bilaabanaya howlgallo amni xaqiijin ah, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Muqdisho xaq uma lahan in maalin kasta ama habeen kasta lagu dilo qof muwaadin ah, horayna waan u sheegnay hadana waan ku celinaynaa, waxaan u dhaaranay inaan shacabka har iyo habeen u shaqeyno,” Ayuu yiri Wasiir Islow.

Waxa uu sheegay shacabka dhankooda in looga baahan yahay la shaqeynta shacabka, wuxuuna tilmaamay inaan loo dulqaadan doonin in qof muwaadin ah lagu xad gudbo.

Sidoo kale Wasiirka amniga ayaa ciidanka ku dhiirageliyay in ay kordhiyaan dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ay juhdi ku bixineyso sidii Shabaab loo ciribtiri lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Maalintii Wariye ah Habeenkiina kabo tole ah !!! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Amarkii uu xalay soo saaray Guddoomiye Madaale oon wali ka dhaqan-gelin Muqdisho

Cabdi Cade

DEG DEG: Farmaajo oo faragelin bilaabay & doorashadii xubnaha Somaliland oo dib loo dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---