Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuul ka tirsan Maamulka magaalada Belad-weyne oo toogasho lagu dilay

Guddoomiye ku-xigeenkii Waaxda Xaawo Taako ee magaalada Belad-weyne Jeelle Gaarane Cabdulle ayaa caawa lagu dilay gudaha magaaladaas

Koox hubeysan ayaa dilay Guddoomiyaha xili uu ku sugnaa xaafada Nuur-xawaad oo ah laan ka mid ah Waaxda Xaawo taako.

Wararka ayaa sheegaya in raggii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana sida caadada ah daqiiqado ka dibn goobtaas gaaray ciidamada amaanka oo halkaas baaritaano ka wada.

Maamulka gobolka Hiiraan & kan magaalada Belad-weyne ayaan ka hadlin dilkan caawa loo geystay masuulkan.

Baladweyne waxaa horey uga dhacay dilal noocan ah oo loo gaystay mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka, Ciidamo, Saraakiil iyo dad kale waxaana lagu eedeeyaa inay ka dambeeyaan Al-shabaab oo inta badan aan la gaban iney qirtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay tahay halista Sacuudigu ka digayo ee sanadkan ka dhici karta gudashada Xajka?

Caydiid Ali

Nin loo heystay kufsi & dil loo geystay Ugbaad Cali Dhaban-loox oo xukun adag lagu riday

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin: “Madaxweyne dharbaaxo rag bey kugu dirtaa ee kaama dhiciso”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---