Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rasaas laga maqlayo xabsiga dhexe ee Xamar iyo dagaal ka dhex socda

Rasaas xoogan ayaa goor dhow ka bilaabatay xabsiga dhexe ee Xamar oo ku yaalla agagaarka dekeda weyn Muqdisho.

Si rasmi ah looma oga illaa hadda sababta in xabsiga la weeraray iyo in kale.

Wararka aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in gudaha xabsiga uu dagaal ku dhexmarayo ciidamada xabsiga ilaalada ka ah iyo maxaabiis gaoodsan.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Asluubta ayaa u sheegay Allbanaadir Online in Mid ka Mida Maxaabiista uu gacanta ku dhigay Qori uu watay askari ka tirsanaa Ilaalada xabsiga

Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in la toogtay qaar ka mid ah ilaalada xabsiga, iyadoo jahwareer xoogan laga soo sheegayo gudihiisa.

Weli ma cadda Khasaaraha ka dhashay rasaasta, mana jiro war ku saabsan oo ka soo baxay taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa guud ahaan Xiray Wadooyinka gala Xabsiga Dhexe.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa joojiyay isku socodka dadka Caadiga ah Waxaana Ciidamada ay xanibeen in Dadku ay banaanka u soo banaan, iyadoo Dadka degan Xaafadaha ayaa la amray in ay ku sugnaadaan Xaafadaha

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday Hodan Diiriye iyo Ibraahim Ismaaciil

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal iyo Madaxdii hore ee dalka oo kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho

Caydiid Ali

Banaan bax rabshado watay oo maanta ka dhacay Gaalkacyo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade