Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay hoos u dhac weyn laga dareemay taageerayaasha dowlada Nabad iyo Nolol uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo , waxaana inta badan taageerada Nabad iyo Nolol si weyn looga dareemi jiray baraha bulshada.
Taageerayaasha Nabad iyo Nolol oo mudooyinkii ugu dambeeyay sii yaraanayay ayaa mar qura hoos usii dhacday markii xilka laga riday Xasan Cali Kheyre Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo lahaa taageerayaal badan.
Waxaa hada labo garab u kala jabay taageerayaasha Nabad iyo Nolol kuwaa oo u kala jabay Farmaajo iyo Kheyre, waxaa sidoo kale jira taageerayaal niyad jab ka qaaday kala taga labada masuul kuwaa oo dhinacna aan raacin oo shib kasoo hartay.
Baraha bulshada ayaana si weyn looga dareemayaa hoos u dhaca ku yimid taageerayaasha Nabad iyo Nolol iyo kala jabkooda, waxaana hada si hoose usoo xoogeesanaya taageerayaasha Siyaasiyiinta mucaaradka oo markii hore dagaal kala kulmi jiray kuwa Nabad iyo Nolol.
Kala taga Farmaajo iyo Kheyre ayaa xitaa sababay in taageerayaasha labadan masuul in ay ku tartamaan Like-ta, Comentiga iyo Share-ka la siiyo qoraalada iyo muuqaalada lasoo dhigo baraha bulshada ku leeyihiin labadaasi siyaasi.
Taageerayaasha Nabad iyo Nolol ayaa ahaa kuwa si weyn looga dareemo baraha bulshada , hasa ahaatee waxaa sii muuqanaya in hada hoos u dhacayaan ayna niyad jab lasoo daristay xaaladan kala guurka ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com