Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin u dhalatay Faransiiska oo lagu laayay dal kuyaala Qaarada Afrika

Maleeshiyaad hubeesan ayaa weerar qorsheesan ku dilay Muwaadiniin u dhashay dalka Faransiiska oo u shaqeenayay Hay’ad gar gaar , waxaana weerarkan si kulul u cambaareeyay masuuliyiin kala duwan.

Weerarkan oo ka dhacay deegaano loo dalxiis tago oo kuyaala gobalka Tillaberi ee Koonfur-Galbeed dalka Niger ayaa lagu dilay lix muwaadin oo u dhashay dalka Faransiiska, darawal iyo turjubaan la socday.

Madaxweynaha dalka Faransiiska  Emmanuel Macron oo khadka telefonka kula hadlay Madaxweynaha Niger Mahamadou Issoufou, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan lagu dilay muwaadiniinta Faransiiska, waxa uuna ku tilmaamay mid fuloynimo ah.

Muwaadiniinta Faransiiska ee lagu dilay dalka Niger ayaa u shaqeenayay hay’ada gargaarka ee loo yaqaan ACTED, lamana yaqaan wali heebta kooxdii ka dambeesay weerarkaas oo cabsi badan abuuray.

 

Related posts

Gudoomiye Degmo oo kahor yimid xil ka qaadis lagu sameeyay oo xabsi la dhigay 

Cabdi Cade

Macalin fara xumeeyey ilmo yar oo xukun adag lagu riday

Caydiid Ali

Dr Hashem Moazenzadeh oo lagu riday xukun adag iyo Dambiga uu galay oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---