Allbanaadir.com
NEWS

Talyaaniga oo Mashruuc ay ku baxeyso 6-milyan Dollar ka fulinaya Baladweyn (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Safiir ku xigeenka Talyaaniga ee Soomaaliya ambassador Tabio Massimo waxaana ay ka wada hadleen wax ka qabashada Arrimaha Fatahaada Beledweyne.
Dowladda Talyaaniga ayaana ogolaatay Mashruuci in dhowaanba la sugayay ee ka hortaga Fatahaada ee magaalada Baladweyne, Mashruucaasi oo ay ku baxeyso lix Milyan oo dollar (6,000,000$).
Safiirka ayaa U sheegay Madaxweynaha In lacagtaas Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay ay doonayaan Dad reer Beledweyne in ay ku caawiyaan si wax looga qabto Arrimaha Fatahaadaha Beledweyne ee soo noq noqday.
Madaxweyne Waare ayaa kaga Mahadceliyay Caawimaada Talyaaniga, waxaana aqbaarta la xiriirta Ogolaanshiyaha Talyaaniga ee lixda Milyan ee ka hortaga Daadadka Beledweyne ay ka dhigantahay Guul muujineysa dadaalka socda ee la xiriira arrimahaas ee xalka looga helayo Fatahaadaha soo noq noqday.
Lacagtani lixda Milyan ee wax looga  qabanayo Mashruuca ka hortaga arrimaha Fatahaadaha Ayaa waxaa la soo marsiinayaa oo fulinaya Hey’adda Cunada iyo Beeraha Ee FAO.

Related posts

Ciidanka xoogga dalka oo Al-shabaab ku weeraray duleedka degaanka Budbud

Caydiid Ali

Afgembi fashilmay oo ka dhacay dalka Sudan & dowlada oo war ka soo saartay

Caydiid Ali

Saddexda Musharax ee ugu cadcad gudoonka Golaha shacabka iyo ku-xigeenadiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---