Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka oo digniin siiyey saddex ka mid ah dowladaha waaweyn

Mareykanka ayaa digniin siiyey waddamada doonaya iney saameyn ku yeeshaan doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka ee sanadkan 2020-ka dhaceyso.

War murtiyeed uu soo saaray agaasimaha Sirdoonka qaranka Mareykanka Willian Evanina wuxuu sheegay waddama shisheeye inay ku howlan yihiin “saameyn iney ku yeeshaan” cod bixinta doorashada.

Dalalka Ruushka, Iran iyo Shiinaha ayuu sheegay iney wadaan faragelinta, ayna kala doorbidayaan cidda doorashada ku guuleysaneysa.

Mas’uul sare ee sirdoonka Mareykanka wuxuu sheegay Ruushka inuu faragelin uu ku sameeyey doorashadii 2016-ki dhacday oo uu madaxweyne Trump uu ka caawiyey ololahiisa dooorashada, inkastoo Ruushka uu eeddaasi gaashaanka u daruuray.

Trump oo Jimcihii shir jaraa’id qabtay ayaa wax laga weydiiyey waxa uga qorsheysan faragelinta lagu hayo doorashada Mareykanka ayuu sheegay in maamulkiisu in si dhow uu ula soconayo arrinta.

Hadalka ka soo yeeray mas’uulka sirdoonka Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli uu madaxweyne Trump uu walaac ka muujiyey codbixinta doorashada ee ay dadku ku dhiibanayaan dhanka boostada, isagoo ku baaqay in dib loo dhigo doorashada inkastoo laga diiday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Abwaan iyo Macalin Jaamacadeed oo caan ka ahaa Muqdisho oo isku dhiibay Al Shabaab

Cabdi Cade

(Sawirro) Ciidan ka soo goostay Puntland oo lagu soo bandhigay Laas-caanood

Caydiid Ali

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo soo saaray Amaro cusub oo la xariira..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---