Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanada Golaha shacabka oo diiday ajendihii la horkeenay & buuq ka dhashay

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Somalia ayaa diiday Ajendaha fadhigii maanta oo ka mida kalfadhiga 7-aad, kaasoo ku saabsanaa: Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.

Guddoonka ayaa isku dayey inay ansixiyaan Ajendaha, waxaana fadhiga ka hadlay xildhibaanno sheegay in Hindise Shaciyeedka la hor keenay Baarlamaanka uu ka horjeedo Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban ee dadka Soomaaliyeed, iyagoo dalbaday in dib loo celiyo.

Waxaa fadhiga hareeyey buuq fara badan oo lagu diidan yahay ajendaha la horkeenay oo xildhibaanadu ka biyo diidanayeen.

Xildhibaanada ayaa dalbaday in la furo Ajendaha Doorashooyinka dalka, iyadoo ay jirto cabsi ku saabsan in Golaha Shacabka uu muddo kordhin sameysto taasoo haddii ay dhacdo uga sii dari karta xaalada siyaasadeed ee dalka mudooyinkanba gebi dhacleyneysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo furay shir ku saabsan kobcinta Karaanka Aadanaha (Sawirro)

Cabdi Cade

RW Khayre oo kulan xasaasi ah la qaatay Taliyaha & Taliye Ku-xigeenada Booliiska (Sawirro)

Caydiid Ali

Haweenka Sacuudiga oo markii ugu horeysay loo fasaxay iney ciyaaraan Kubada Cagta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---