Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beirut oo sii kordhaysa

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii Talaadadii ka dhacay magaalada Beirut ayaa gaartay 154, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda Lubnaan oo soo xiganeyso wasiirka caafimaadka.

Ku dhawaad 120 qof oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa ku jiraa xaalad halis ah, in badan oo kamid ah dadkaas waxay u baahan yihiin qalliin, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee Lubnaan, Xamad Xasan.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa iney jiraan dad weli lagu la yahay qaraxaas oo aan la ogeyn nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyeen.

Maalinta axadda ah ayaa lagu wadaa in dalkaas ay ka dhacaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda, waxaase aan la ogeyn sida dibadbaxayadan ay uga sii dari karaan xaaladda Lubnaan oo haatan la daala-dhacyso waxyeeladii qaraxyadii dhacay, dhibaato dhaqaale iyo sameynta feyraska corona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Askar ka tirsan ciidamada Puntland oo dil ka geystay Garoowe

Caydiid Ali

Dowlada Finland oo qaadeysa talaabo sabab u noqon karta in Ruushku weeraro

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Laftgareen & Sophie Kemkhadze? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---