Madaxweynaha Dowlad goboleedka untland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo socdaal ku maraya deegaano katirsan gobolka Mudug ayaa maanta dhagax dhigay Wado laami ah oo laga dhisayo degmada Buursaalax.
Wadadan ayaa dhisamheeda waxaa gacan ka geesanaya maamulka Puntland, waxaa sidoo kale dhismaha wadadan ka qeyb qaadanaya ganacsatada iyo dadka kunool degmada Buursaalax oo katirsan gobolka Mudog.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale xariga ka jaray Dugsiga Hoose/Dhexe Caynul -Cilmi ee degmada Buursaalax, wuxuuna kormeeray Dugsiga Hoose/Dhexe / Sare ee Rajo iyo Mashruuca horumarinta Bulshada Buursaalax oo xaruntiisu tahay Iskuulka Ciro.