Allbanaadir.com
NEWS

Maxamed Bin Salman oo isku dayey inuu dalka Canada ku dilo nin kasoo horjeeda !!

Koox wax disha oo uu soo diray Maxamed Bin Salman ayaa la sheegay inay isku dayeen inay galaan wadanka Canada si ay u dilaan Sarkaal sare oo horey uga tirsanaan jiray Sirdoonka Sacuudiga oo lagu magacaabo Saad AlJabari.

Kiis dacwad ah ayuu Saad Aljabari u gudbiyey Maxkamada Dalka Maraykanka, kiiskan oo uu ku faah faahiyey qorshaha lagu dili lahaa iyo abaabulka Maxamed Bin Salmaan.

Maxkamadaha Federaalka Maraykanka ayaa ogol in la keeno kiisaska la xariira dalalka shisheeye.

Saad Aljabari oo horey u ahaan jiray Sarkaal sare oo sirdoonka Sacuudiga ah ayaa hada baxsad ku jooga dalka Canada, wuxuuna sheegay in Sacuudiga uu kooxdan wax disha uu kasoo abaabulay dalka Maraykanka gudihiisa isla markaana kooxdan wax disha lagu celiyey xaduuda dalka Canada.

Kooxdan oo lagu magacaabo [Guutada Shabeel] ayaa isku dayey inay dilaan Saad Aljabari 13 maalmood kadib markuu dhacay dilkii Suxufigii Jamal Khashoggi oo ay sidan oo kale sirdoonka Sacuudiga ugu dileen magaalada Istanbul, Turkey 2dii Oktoober 2018.

Kooxdan oo isku dayey inay Canada gudaha u galaan ayaa waxaa dib u celiyey ciidamada illaalada xaduudaha Canada oo ka shakiyey raggan oo ay ku jireen kuwo khabiir ku ah tirtirida raadadka goobaha danbiyada ka dhacaan iyo saraakiil sirdoonka Sacuudiga ah.

Dowlada Sacuudiga ayaa la sheegay inay bishii Maarso afduubatay oo xabsi ku heyso caruurta uu dhalay Saad Aljabari iyo qaar kale oo kamid ah qaraabadiisa ku nool dalka Sacuudiga, falkan oo qeyb ka ah cadaadiska Maxamed Bin Salmaan saarayo ninkan mucaaridka ku biiray.

Kiiska dacwada ee hada horyaal Maxkamada Maraykanka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay magacyada dadka mucaaridka ah ee u dhashay Sacuudiga ee qurbaha ku nool ee ku jira dadka uu dilka ku xukumay Maxamed Bin Salmaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deegaan laga dhigay Degmo oo Laami cusub la saarayo (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Waan-waan laga dhex bilaabay Maamulka Somaliland & Mucaaradka

Cabdi Cade

Xildhibaan labaad oo isaga baxay Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---