Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad careysan oo rabshado ka bilaabay Beirut ka dib qaraxyadii lagu hoobtay (Sawirro)

Dad careysan ayaa Magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lubnaan ka bilaabay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaas.

Dowladda ayaa lagu eedeeyay in aysan si wanaagsan u maareynin musiibadii dhacday, Waxaa wadooyinka waaweyn ee magaalada oo ay kamid yihiin kuwa gala dhismaha baarlamaanka la dhigay ciidamo, kuwaasoo suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dadka isku soo baxay

Shacabka ayaa ka careysan qaraxyadii waaweynaa ee dhacay maalintii talaadada, kuwaa oo saraakiisha dalkaas ay sheegeen in uu ka dhashay 2,750 tan oo maadada ammonium nitrate oo si aan wanaaganeyn ugu keydsanaa bakhaar ku yaala dekedd muddo lix sanadood ah

Dad badan oo reer Lubnaan waxay aaminsan yihiin dayac dowladda ka yimid ay sabab u ahayd qaraxyadan ay ku dhiteen 137 qof halka shan kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Axadda soo socota ayaa lagu wadaa in dalkaas ay ka dhacaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda, waxaase aan la ogeyn sida dibadbaxayadan ay uga sii dari karaan xaaladda Lubnaan oo haatan la daala-dhacyso waxyeeladii qaraxyadii dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo Falastiiniyiin ah oo lagu toogtay Qudus iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Gudoomiye Mursal oo ka qeyb galay furitaanka kalfadhiga Baarlamanka Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Cumar Filish oo Hadiyad Gudoonsiiyay Duqa magaalada Durban (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---