Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda ee xukumadda federaallka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan fogaan arraga la qaatay xubno ka tirsan hay’addaha lacagta Aduunka ee IMF iyo World Bank waxayna kaga wada-hadleen saameynta covid-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale Beyle waxa uu sheegay in shirkan ay soo qaban qaabiyeen hay’addha IMF iyo World Banka waxaana sidoo kale ka qeyb-galay Wasiiradda maaliyadda ee qaaradda Africa hase ahaate waxaa uga badnaan xoogga lagu saaray sidoo qaaradda ay isaga kaashan laheyd ka hortagga saameynta uu ku yeshay dhaqaalaha Africa covid-19.
“Waxa aan ka qeyb galay shir ay wadajir u soo qaban qaabiyeen IMF iyo World Bank, isla markaana ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika.oo aan ka wada hadalnay sidii aan isaga kaashan laheyn saameynta uu qaaradda ku yeeshay xanuunka Covid-19″ ayuu yiri sii hayaha wasiirka Maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya.
Sii hayaha wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxa aan uga mahadcelinayay labada hey’adood sida ay had iyo jeer noo garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com