Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Taliye Koofi ku soo kordhiyey aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga?

Qiimeyn la sameeyay ayaa sheegaysa in Pasaporka Soomaaliga uu ka soo raynayo  tan iyo markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Soomaaliya, kaasoo u muuqa inuu dib u soo laabanayo qiimihii  uu caalamka ku lahaa.

Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya  Col. Maxamed Aadan Koofi ayaa u dhabar adeegay in mar kale uu Pasaporka Soomaaliga ah uu caalamka Qiimo ku yeesho ka dib markii  uu safaro ku kala bixiyey  dalal badan oo caalamka ah, uuna ka dhaadhiciyey in Paasaporka Soomaaliga ah uu haatan yahay Digital la iskuna halayn karo.

Dhinaca kale koofi ayaa waxa uu gaarsiiyay Pasaporka Somaliga, qiimo maadaama uu ka mid ahaa Pasaporada ugu hooseeya caalamka, waxaana haatan uu marayaa in uu  afrika ka Noqdo kuwa dhex dhexaad ah.

Pasaporka Somaliga ayaa waxaa Xiligaan lagu tagi karaa ku dhawaad 40- Dal oo caalamka ah, taasi oo sabab u ah dadaalkii  ay Sameeyeen Laanta Socdaalka oo uu Madax u yahay Taliye Col  Maxamed Aadan koofi, iyo howshii ay bilaabeen Madaxdii ka horeysay, oo uu ka mid ahaa Jeneraal Gaafow oo horay u ahaa Taliyihii ka horeeyay Koofi.

10-kii Sano ee la soo dhaafay xataa laguma tagi Karin Pasaporka somaliga 20 dal oo ka mid ah caalamka, xataa  dalalka afrika qaarkood ayay aad u adkayd in Pasaporka Soomaaliga aad ku hesho Visaha on-Arrival. Waxa uuna haatan Noqday mid ka duwan Sanadihii hore Pasaporka Somaliga.

Sidoo kale dadka soomaaliyeed ayaa aad ugu faraxday Warkaan Hididiilada leh ee Soo baxay oo ku aadan Qiimayn fiican uu yeesho Pasaporka Somaliga ah.

Guushaan u soo hoyatay Umada Soomaaliyeed ayaa waxaa Hana qaadkeeda Mas’uul ka ah Taliye  Col Maxamed Aadan koofi, iyo shaqaalaha Hay’ada oo u dhabar adeygay sanadihii la soo dhaafay, kuwaasoo hela Tababaro ka wanaagsan iyo tayeyn ka duwan Xiliyadii hore.

Tan iyo Markii la Magacaabay Maxamed Aadan Koofi in uu Noqdo Taliyaha Laanta Socdaalka, oo Madaxda Dalka u arkayeeen in uu yahay Nin dhalinyaro ah oo wax badan ku soo kordhin kara, horay u socodsiinta xaalada Dalka gaar ahaan laanta Socdaalka ayaa waxaa meesha ka muuqata in uu ka dhabeeyay Koofi Rajadii Madaxda Qaranka iyo tii Umada Soomaaliyeed ay ka sugayeen

Taliye koofi ayaa markii uu xilka la Wareegay Waxa uu si gaar ah dar dar u galiyay in uu Xarumo ka furo xuduudaha Dalka, inuu Gobolada Dalka gaarsiiyo shaqada laanta Socdaalka oo aan Xiligaas an gaarsiisaneen Meesha ay haatan taagan tahay, waxaana Pasaporka Somaliga laga heli jiray oo kaliya Muqdisho, taasi oo Taliye koofi is tusay in ay Tahay in deegaan kasta ay somali leedahay uu Xaq u leeyahay in laga Helo Pasaporka.

Howsha Culus ay qabatay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha soomaaliya ayaa waxaa ku amaanan, Taliye Maxamed Aadan koofi dardarta Xoogan oo uu galiyay 4tii sano ee  la soo dhaafay.

Sidoo kale Guul kasta oo ay gaarto laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo uu hormuudka ka yahay Col  Maxamed aadan koofi, waxaa gaaray Umada Soomaaliyeed balse waxaa guushaas hormuud u ah dadaalka xoogan ee Taliye Koofi.

Maxamed Aadan Koofi ayaa kormeero joogto ah ku sameeya sida ay u socoto shaqada, waxaana sawirada hoose ka mid ah shaqaale imtixaan u galaya laanta Socdaalka oo uu si kadis ah ku kormeeray Taliye Koofi, taasoo Muujinaysa cadaalada iyo sinaanta shaqaalaha laanta Socdaalka.

Related posts

Ra’isul Wasaare Mustafa al-Kadhimi oo ka bad baaday weerar halis ah oo lagu dili rabay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo u gudbay Koonfurta Gaalkacyo, si diirana loo soo dhoweeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax Gaari oo ka dhacay dalka Mareykanka iyo Faah Faahino kasoo baxaya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---