Maxkamada Magaalada Norrköping ee dalka Sweden ayaa xukun kasoo saartay Hooyo lagu eedeeyay dilka gabadheeda oo 3 sano jir aheyd kaasoo dhacay bishii January ee aan soo dhaafnay.
Dembiga Hooyada lagu eedeeyay ayaa ahaa dilka Naf kale sida Maxkamada cadeysay Waxana lagu xukumay hal sano iyo sagaal bilood oo xarig ah, kaasoo ah xukun fudud.
Dilka gabadhaasi ayaa gudaha wadanka Sweden loogu magacdaray (Lilla hjärtat) Waxaana uu yimid kadib markii Hooyada dib loogu soo celiyay gabadha oo markii hore laga qaaday, lana joogtay Qoys kale.
Dadka qaarkood ee ka carooday falkaasi ayaa sheegay inay badbaadi laheyd haddii aanan dib loogu soo celin laheyn hooyada.
Qareenkeeda ayaa ku dooday in Hooyada ay tahay Qof dhibane ah laakiin taasi xukunka maxkamada ee ahaa xabsiga 1 sano iyo 9 bilood ah waxba kama badalin
Waxyaabaha kale ee Maxkamada ku soo eedeesay Hooyada ayaa ahaa isticmaalka Daroogada si xad dhaaf ah
Dilka ayaa kamid ah Dilalka ugu hadal heynta badan Sweden waxaana uu keenay in Xisbiyada qaar soo jeediyaan in sharciga Caruurta Wax laga badalo Sida inaan dib loogu celinin hooyada caruurta laga soo qaaday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com