Allbanaadir.com
NEWS

Wiil uu dhalay Madoobe Nuunow Maxamed oo loo magacaabay xilkii uu ka geeriyooday aabihiis

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkiisa oo banaanaa iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga maamulkas.

Shirkii golaha wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa laga akhriyay wareegtada Magacaabista labada wasiir.

Xilka Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur galbeed oo uu dhowaan ka geeriyooday siyaasigii caanka ahaa Madoobe Nuunow Maxamed ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Madoobe Nuunow oo ah wiil uu dhalay.

Madoobe Nuunow oo horey xilal heer wasiir ah uga soo qabtay dowladihiii KMG ahaa ee dalka soo maray ayaa ka mid ahaa dadkii lagu laayey weerar dhowaan kooxda Al-shabaab ku qaaday Hotelka Naasa hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Maaliyadda maamulka koonfur galbeed Somalia oo ah xil ku cusub maamulkaas ayaa waxaa loo magacaabay nin lagu magacaabo  Maxamed Cumar Zeytuun.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ibraahim Cusmaan oo loo Magacaabay inuu naqdo Madaxweyne ku-xigeen

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi sare oo ka socda dalka Eritreya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shir Amniga sii xumaanaya ee Caadimadda looga hadlayay oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---