Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wasiir Fiqi oo fuliyey dalab ka yimid ciidanka xerada tababarka Indho-qaris (Sawirro)

Masjidka Al-Towba oo ay maalgaliyeen jaaliyadda Yurub ee Gobolka Mudug-Galmudug ayaa maantay wasiirka Amniga Galmudug Md. Axmed Macallin Fiqi uu ka daahfurey dugsiga tababarka ciidamada Daraawiishta Galmudug ee Indhaqaris.

Wasiirka ayaa u mahadceliyey jaaliyadda ka qeybgashay dhismaha masjidkaas iyo culimada gobolka ee saldhigga u ahaa fulinta mashruucaan, sidoo kale wasiirka ayaa kula dardaarmay ciidamada tababarku halkaas uga socdo In ay ka faa’idaystaan masjidka loo soo dhoweeyey iyo culimada duruusta ka bixinaysa.

Wasiirka ayaa ku Ammaanay ciidamada In codsigooda lagu dhisay masjidkaan oo qeyb ka mid ah tababarada ruuxda iyo qalbiga la siinayo, kaasoo dhamaystiraya noocyada kale ee tababarada ee ay askartu dugsigaas ku qaadanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Baarlamanka Galmudug oo go’aano soo saaray & Xildhibaano cusub oo..

Caydiid Ali

Xildhibaanada oo ka wal walsan halista uga imaan karta Baraha Koontarool ee Muqdisho yaala

Cabdi Cade

TPLF oo iska diiday baaq uga yimid Dowlada Mareykanka xili ay koox weji cusub lasoo baxday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---