Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo ansixiyey Saddex Hindise sharciyeed (Sawirro)

Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen Habraacyada Xoogga Dalka oo qeyb ka ah dib-u-habeynta ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Habraacyada ciidanka xoogga ee goluhu ogolaaday ayaa kala ah Habraaca hoggaanka maamulka Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka maamulka iyo Maaliyadda Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka Saadka Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka Gaadiidka Ciidanka iyo Habraaca Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta.

Shirka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka maalgashiga iyo maalgashadayaasha iyo siyaasadda ilaalinta bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Sadex Geesood ah oo u socda Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea (Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu Max’uud Sayid Aadan kala hadlay Saraakiisha amniga gobolka Gedo (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamada Israel oo Gaza ku qaaday Weerar Dhulka ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---