Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyihii ugu horeeyay oo reer Galbeed ah oo gaaray Beyrut kadib qaraxii gilgilay

Raisul Wasaaraha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta gaaray magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan, kadib qaraxii xooganaa ee ka dhacay dekadda magaaladaasi.

Macron ayaa sheegay in aan indhaha laga fiirsan karin musiibadii ka dhacday magaalada Beyruut, waxa uuna tilmaamay in caalamka jawaab deg deg ah ka bixiyaan xaalada cakiran ee dalka Lubnaam.

Raisul Wasaare Macron ayaa sheegay in dalka Lubnaan ay hareeyeen xaalad siyaasadeed, mid dhaqaale iyo dhibaatada ka dhalatay qaraxii xooganaa ee dhawaan caasimada ka dhacay.

Qaraxii xooganaa ee ka dhacay dekadda magaalada Beyruut ayaa sababay dhimashada dad gaaraya 137 qof iyo dhaawaca dad ku dhaw 5kun oo qof oo qaarkood dhaawacyadooda halis yihiin.

Hogaamiyaal kale oo caalamka ka socda ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan si ay taageero ugu muujiyaan dowlada iyo shacabka dalkaadi.

 

 

Related posts

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Ciro oo booqday Dekedda  𝐃𝐞𝐢𝐫𝐚 𝐀𝐥 𝐗𝐚𝐦𝐫𝐚 (Sawirro)

Caydiid Ali

Haweeney afduub loo heystay 37 sano oo dib u heshay xoriyadeeda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---