Allbanaadir.com
NEWS

Facebook iyo Twitter oo tir tiray Macluumaad khaldan uu Madaxweyne Trump soo dhigay !!

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya baraha bulshada gaar ahaan Twitter iyo Facebook ,kuwaa oo dabagal ku haya macluumaadka uu baahiyo.

Labadan shirkadood ayaa hawada ka saaray macluumaad khaldan uu Madaxweyne Trump ku baahiyay barahan, waxa ayna ku eedeeyeen Madaxweynaha in uu baahiyay muuqaal marin habaabin ah.

Muuqaalka hawada laga saaray uu soo dhigay Madaxweyne Trump baraha bulshada ayaa ahaa wareysi uu siiyay Telefishinka Fox news, waxa uuna wareysigaasi ku sheegay in cudurka Caronavirus uusan caruurta karin ayna iska difaaci karaan.

Afhayeen u hadlay Facebook ayaa sheegay in muuqaalka Trump ay ku jiraan macluumaad khaldan oo dhigaya in qaar kamid ah dadka uusan ku dhici karin Carona taas uu sheegay o inay tahay xadgudub ka dhan ah siyaasadaha u degsan ee la xiriira marin habaabinta .

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Twitter ayaa isna sheegay in macluumaadka lasoo dhigay akoonka gacan saarka la leh madaxweyne Trump uu ku xadgudbay shuruucda u degsan ee faafinta xogta khaldan, waxaana uu dalbaday in muuqaalkaasi meesha laga saaro.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa marar badan shirkada Twitterka tirtay sidoo kale qarisay macqluumaad kala duwan uu soo dhigay, waxa ayna shirkada sheegtay in macluumaadkaasi ay dhibaato horseedayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somtel oo haqabtirtay Baahida Internetka ee Koonfurta Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Doorashada degmooyin ay ku jirto caasimada Garowe oo dib loo dhigay

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Kheyre Oo Shir-guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ah ee SMP3

Cabdi Cade
Taboola Ads ---