Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Magaca sargaal katirsan Al Shabaab oo la dilay

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa shalay ka dhacay deegaanka Daynuunay ee kuyaala duleedka Baydhabo. waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Dowladda Janeraal Maxamed Shiikh Cabdulaahi ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Daynuunay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Waxa uu xusay taliyaha in dagaalkaasi ku dileen 17-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab uu ku jiro sargaal kooxdaasi katirsanaa uu magaciisa ku sheegay Cabdicasiis Isaaq Nuuroow ( Abuu Yaxye).

Jeneraal Maxamed Sheekh ayaa sheegay in dagaalka dhankooda looga dilay sargaal katirsanaa ciidanka milatariga iyo sadex askari oo kale, waxa uuna xusay in dagaalkaasi ciidanka ku jabiyeen dagaalyahaadii Al Shabaab ee soo weeraray.

Dagaalka shalay ka dhacay deegaanka Daynuunay ee gpbolka Baay ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro badan oo labada dhinac soo kala gaaray , dagaalka ayaana socday saacado iyadoona markii dambe deegaanka ka baxeen dagaalyahanadii soo weeraray.

Related posts

Duqeymo culus oo saakay lagu garaacay kooxda Al Shabaab iyo Wararkii u Dambeeyay

Cabdi Cade

Dowladdii ugu horeysay oo gurmad deg deg ah u soo dirtay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Israa’iil oo Shaacisay in ay dileen Rafat Abu Hilaal iyo xogta sida uu u dhacay dilkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---