Safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Qin Jian oo maalintii afaraad ku sugan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaan weli la kulmin Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Ujeedka Safarka Danjire Jian ee Hargeysa ayaa ah In Somaliland ay ka tanaasulaan aqoonsiga iyo xiriirka Somaliland iyo Taiwan oo gaaray heerka ah inay wakiilo is weydaarsadaan, iyadoo Wadanka Shiinaha u aqoonsanyahay Taiwan Dhul dalkeeda ka mid ah.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Biixi ayaa ka gaabsaday in uu la kulmo Safiirka Shiinaha waxa uuna u soo diray in uu qaabilo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliland.
Soomaaliland ayaa Dowladda Shiinaha hordhigtay codsi ah in ay siiso Ictiraaf si ay u joojiso Xiriirka Taiwan, waxa ayna arintaan weji gabax ku noqotey Safiirka China iyo wafdigiisa ee jooga Hargeysa.
Haddii Shiinaha ay dabac iyo isafgarad dhaqaale ka muujiso arinta Somaliland waxay Shiinaha ku sababi doontaa in Maamulada kale ee Somalia sida Puntland, Jubbaland, SW, Hirshabele iyo Galmudug ay si la mid ah aqoonsan doonaan Taiwan, halkaasna ay China kala kulmi doonto gadood diblomaasiyadeed ee Somalia ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com