Allbanaadir.com
NEWS

Abaanduule katirsan milatariga Soomaaliya oo lagu dilay dagaal culus oo saakay dhacay

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaaday saldhig ciidanka milatariga Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Daynuunay ee kuyaala duleedka magaalada Baydhabo.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan uu dhax maray ciidanka milatariga iyo dagaalyahanada Al Shabaab oo saldhiga dhoor jiho kasoo weeraray.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaana la sheegay in subaxii hore la wareegeen saldhiga ciidanka milatariga ku sugnaayeen, hasa ahaatee Al Shabaab ayaana saldhigaasi isaga baxay markii ciidamo gurmad ah deegaanka soo gaareen.

Inta la xaqiijiyay shan askari oo katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya uu ku jiro Abaanduulaha  Guutada 60-aad ee Ciidamada Xooga  Maxamed Isxaaq, ayaa dagaalka ku dhintay halka tiro kalaa ku dhaawacmeen.

Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in dagaalka uu kasoo gaaray khasaaro inkasta oon la ogeyn inta ay la egtahay, waxaana dadka deegaanka ku warameen in Al Shabaab saldhiga ka qaateen hub iyo gaadiid.

Xaalada deegaanka Daynuunay ayaana hada ah mid degan, waxaana deegaankaasi dib ugu laabtay ciidanka milatariga Soomaaliya oo saakay mudo kooban Al Shabaab dagaal xoogan kula wareegeen.

Saldhiga ciidanka milatariga ku leeyihiin deegaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa marar badan Al Shabaab ku qaadeen weeraro xoogan oo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Related posts

Siyaasi caan ah oo shaaciyay in Xildhibaanada loo qeybiyay lacag ka badan Hal Malyan Dollar oo …

Cabdi Cade

(Sawirro) Ku dhowaad konton qof oo ku geeriyootay kulan diimeed ka dhacay Israel

Caydiid Ali

Natiijada Ciyaartii ugu horeysay ee lagu furay Koobka Kubadda Cagta Aduunka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---