Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada ciidamada oo go’aan a gaartay kiiskii Wariye Maxamed Abuuja (Sawirro)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn saakay wax dambi ah ku weysay Wariye Maxamed Cabduwahaab Abuuja oo mudo shan bilood ah u xirnaa Hay’adad nabad sugida Soomaaliya.

Wariye Abuuja ayaana lagu soo eedeeyay in uu katirsanaa ururka Al Shabaab uuna ka dambeeyay dil haweeney loogu geestay degmada Boondheere, hasa ahaatee dambigaasi lagu soo eedeeyay wariyaha ayaa markii dambe loo waayay wax cadeyn ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in baaris dheer kadib Wariye Abuuja lagu waayay dambi, isaga oo amray in Xabsiga laga sii daayo.

Sii deynta Wariye Abuuja ayaa waxaa soo dhaweeyay ururada saxaafada dalka iyo sidoo kale qoyskiisa, waxa ayna sheegeen in wariyaha oo si xaqdaro ah bilooyin xabsi ugu jiray maanta helay cadaalad.

Dhinaca kale Isutagga Suxufiiyinta Soomaaliyeed ee FESOJ waxey soo dhaweyneysaa go’aanka ay gaartay maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo amartay in la siidaayo Wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja oo u xirnaa eedeymo aan sal iyo raad laheyn.

Abuuja waxaa xuriyadiisa looga qaaday sifo shari darro ah waxaana codsaneynaa in magdhaw la siiyo anagoo og in lagu bartilmaameedsaday shaqadiisa iyo waliba warbixino uu diyaariyay wariyaha.
 
” Waxaan ku faraxaanahay xarig dheer oo sharci darro ah kadib in aan maanta dib xorriyadiisa uu u helo wariye Abuuja, waa u mahad celineynaa maxkamaddii u caddaalad fashay” Maxamed ibraahim Macalimoow Xoghayaha FESOJ
 
Wariye Maxamed Cabduwahaab Abuuja oo kasoo shaqeeyay idaacado badan oo kuyaala magaalada Muqdisho ayaa bilooyin badan xabsi ku xirnaa iyada oon wax maxkamad ah la geyn , mana jiro wax magdhaw ah oo laga siiyay xariga xaqdarada ah ee loo geestay

Related posts

Tiro Madaafiic ah oo saakay lagu garaacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo soo arkay Masuuliyiin ku dhaawacmay weerarkii SYL (Sawirro)

Cabdi Cade

Wax badan ka Ogow Ujeedka Axmed Madoobe ciidamada badan ugu soo watay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---